Aabe 75 Jir Ah Oo U dhashay Dalka Mozambique oo Ay Caruurtiisu Nolosha Ku Aastay.
Nin 75 jir ah ayaa dhintey ka dib markii sida la sheegay isagoo nool ay carruurtiisu aaseen, waxana uu falkan argagaxa leh ka dhacay tuulo ku taala koonfurta dalka Mozambique.
Booliska Mozambique ayaa Ilaa 20 qof oo qoyka odaygan nolosha lagu xabaalay ah u xidhay tuhun la xidhiidha dilkiisa.
Ilo wareedyo qoyska odaygan ka agdhow ayaa sheegay in odaygu uu ku xeel-dheeraa sixirka,in kabadan 10 qof na ay qoyska kaga dhinteen amuuro la xidhiidha sixir oo dhinaca odayga kaga yimid tan iyo sanadkii 2000 masuulliyada dadkaas dhintayna uu isagu iska lahaa.
Sidoo kale Booliiska ayaa raadinya oday kale oo sixiroole ah oo la aaminsan yahay in uu xubnaha qoyskan u faaliyay kuna guubaabiyay in nolosha lagu aaso odaygan.





