Dhacdo Cajiib Ah: Lamaane Ay Dhimashadooda U Dhaxeysay Saacado Qudha! + Akhriso.

Kumannaan gini ayaa tabruc ahaan loogu aruuriyay qoysaska ay kasoo kala jeedaan lamaane u dhashay dlaka Ingiriiska oo dalka Australia ku dhintay, iyagoo dhimashadoodana ay u dhaxeeyeen saacado kooban.

Jason Francis, oo 29 jir ah, oo horay ugu ciyaari jiray koox kubadda cagta ah oo ka dhisan magaalada Market Drayton ayaa geeriyooday ka dib markii uu gaari ku jiidhay meel u dhow hoygiisa uu la wadaagayay haweeney ay isjeclaayeen oo lagu magacaabo Alice Robinson.

Ms Robinson, oo la sheegay iney “aad ugu qalbi jabtay” geerida lamaaneheeda ayaa goor dambe la helay iyadoo meyd ah.

Lacag kor u dhaafeysa 31,000 oo doolarka Australia ah una dhiganta £17,259 oo gini ayaa qoysaska lamaanahan loogu aruuriyay maalmo yar gudahood.

Mr Francis ayaa habeenimadii Sabtida ahayd saaxiibadiis la aaday garoon lagu dheelo ciyaarta loo yaqaanno Rugby-ga, ka hor inta uusan markii dambe Taxi u soo qaadanin gurigiisa.

Booliska ka howl gala galbeedka Australia ayaa sheegay in gaadhi uu kaxeynayay nin 18 jir ah uu jiiray qof waddada lugeynayay.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay iney sidoo kale wadaan baadhitaanno la xidhiidha dhimashada qof dumar ah, ayna dhawaan soo saari doonaan natiijada.

Sam Diamond, oo ah madaxweynaha kooxda dheesha kubadda rugby-ga oo uu mar dhow ku biiray Mr Francis ayaa sheegay in lamaanahaasi ay ahaayeen dad aad u dhaqan wanaagsan.

“Waxay wanaagooda ku soo jiiteen quluubta kooxdeenna oo idil”, ayuu yidhi.

In ka bada £16,000 ayaa loo aruuriyay qoysaska Jason Francis iyo Alice Robinson

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker