Cudurka COVID-19 Ee Somaliland Tirada dadka u dhimanaya oo korodhay Bishan
Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay 54 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 kadib markii saacadihii ugu dambeeyay cudurka laga baadhay 266 qof, halka tirada dhimashada guud ay gaadhayso 250 qof.
Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjaddii labaad ah.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.





