Maxaa ka jira in Carmasha/garoobta, loo duceeyey

Carmasha/garoobta, miyaa loo duceeyey?

Qalinka: Maxamed xirsi Guuleed (Cabdibashiir)

Su’aal:
“Cabdibashiir waan ku salaamay walaal. Saaka waxaan kaa codsan lahaa inaad noo yarra sharaxdo sababta uu nabiguu ugu duceeyey gabadha carmasha ah iyo xikmadda ku jirta. Maxaa lugu duceyn waayey dumarka iyagu reeraha leh?”

Jawaab:

Horta ma aan arag xadiis uu nebigu scw ugu ducaynayo gabadha carmalka ah (Carmal ama garood, waa gabadha uu dhintay ninkii qabay ama la furay. Kuwa carruurta korsanaya, si weyn aayaa looga hadlay).

Balse waxaa jira xadiisyo badan oo ka hadlaya fadliga gabadha carmasha ah iyo qofka saacida fadligiisa. Bal eeg:

1- Qofkii u shaqeeya (yacnii noloshooda debbera) gabadha carmasha ah iyo qofka miskiinka ah, waxaa uu la ajar yahay, Qofka u jihaadaya ilaahay dartii iyo qofka habeenkii oo dhan u taagan salaatu-layl maalintii oo dhanna sooman. waa kan xadiiskii:

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: (الساعي على الأرملة والمسكين كالمجاهد في سبيل الله، أو القائم الليل الصائم النهار) رواه البخاري، ولفظ مسلم: (الساعي على الأرملة والمسكين كالمجاهد في سبيل الله، وكالقائم لا يفتر، والصائم لا يفطر).

2- Nin Asxaabi ah oo sifaynayyey Nebiga scw, waxaa uu u tilmaamay sidan: “Nebigu scw waxaa uu ahaa mid digriga badiya, oo hadalka kale yaraysta oo salaadda dheereeya, oo khudbadaha soo gaabiya. Kama uu santaagi jirin in uu la lugeeyo gabadha carmasha ah iyo qofka miskiinka ah, ilaa uu dantooda la soo qumminayo” Waa kan xadiisku:

يقول عبد الله بن أبي أوفى رضي الله عنه: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يكثر الذِّكر، ويُقِلُّ اللغو، ويطيل الصلاة، ويقصِّر الخطبة، ولا يأنف أن يمشي مع الأرملة والمسكين، فيقضي له الحاجة) رواه النسائي وصححه الألبان

3- Waxaa kale oo aan xadiis ku arkay, in uu Nebigu scw yidhi: “Aniga ayaa ugu horraynaya qof jannada loo fasaxo oo loo furo, markaas ayaan arkayaa gabadh ila beretamaysa. Markaa waxa aan ku odhanayaa; “Maxaad ahayd”? Markaas ayey odhanaysaa, “Waxaa aan ahaa carmal soo korisay carruur agoon ah”.

Si weyn ayuu nebigu scw u guubaabiyey u naxariisashada carmasha, agoonta iyo masaakiinta. Sababta carmasha loo badiyey ajarka taageeradooda, waa in ay ku kulmeen arrimo badan oo in la iska gargaaro khayr ku jiro.
1- In qalbiga loo adkeeyo maadaama ay wayday lammaaneheedii (geeri iyo furriinba), waa ajar
2- In badiyaa duruufo dhaqaale ku soo baxsadaan, waa xaqiiq. In laga saacidaana waa ajar
3- In ay carruur agoon ah hayso ama carruur lagaga tagay oo gargaar u baahan, iyaduna waa ajar.

Nebigu scw waxaa uu guursaday dumar badan oo carmal ah. Waxaa lagu sababeeyey guurarkaas qaarkood isgarabtaagid iyo in aanay dayac la kulmin iyaga iyo ubadkooda. Ummu Salama oo ahayd mujaahidad u haajirtay Xabasha iyo Madiina, iyada iyo ninkeedubba, waxa uu u guursaday in aanay dareemin dayacaad, geeridii Abu Salama ka dib. Ummu Xabiiba oo ahayd mujaahidada u haajirtay Xabasha , isla meeshaasna uu ku lumay ninkeedii oo Kiristaan noqday, nebigu scw waa uu guursaday. Tusaaleyaashu waa ay badanyihiin.

Balse in la isu danqado iyo gabadha carmasha ah aan la illoobin ee la is garabtaago, waxaa lagu gaadhayaa darajada ugu sarraysa khayrka.

Diinta islaamku uma aragto, ceeb iyo liidasho, in la noqdo garoob ama carmal – Geeri iyo furriin, kii ay doonto ha ku noqoto eh-. Qaddar iyo calaf ayaa keena, Wal-xamdulillaahi Calaa kulli Xaal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker