Gabadh Somali-British Ah Oo Cunsuriyad darteed loogu diiday Shaqo ay ka heshay Imaaraadka
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ay diiday inay Fiiso Shaqo (A work Visa) siiyaan Haweeney haysata dhalashada UK, balse asalkeedu Soomaali yahay.
Jariidada Monitor ee kasoo baxda dalka Mareykanka, ayaa gabadha Somali-British-ka ah oo lagu magacaabo Saamiya ka qortay gabadhan asalkeeda Soomaali yahay balse heesata dhalashada dalka Britain loo diiday shaqo ay ka heshay gudaha Imaaraadka Carabta sababo la xidhiidha in Soomaali ay kasoo jeedo laguna cunsuriyeeyay dalka Imaaraadka Carabta.
Saamiya waxay Barteeda Twitterka ku shaacisay in Dugsi ku yaalla Imaraadka ka codsatay shaqo, balse markii dambe ay Waaxda Kheyradka Aadanaha ee dalkaasi (The Human Resources Department) (la soo xidhiidheen, kuna wargeliyeen inay Dowladda Imaraadka diiday inay u soo saaraan Fiisaha Shaqo iyo in Codsigeeda lagala noqday (That her offer was revoked).
Waxay kaloo ay sheegtay in codsiga ay dirtay ku haminaysay inay u noqon doonto Riyo u rumowday (A dream come true). Qoraalkeeda waxay kaloo ku xustay in sababaha loogu diiday Fiisaha ay tahay iyadoo asalkeeda Soomaali yahay (A Somali descent), xitaa iyadoo ku dhalatay, kuna soo kortay UK.
Saamiya waxay soo bandhigtay nuqulada E-mail-adii ay dirtay oo ay Screenshots ka soo qaaday, oo ay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay Cunsurinimada lagula kacay.
Dugsiga iyo Kaaliyaha Madaxa Macaallimiinta ee Dugsigaasi marnaba ma aanay beeninin in sababta shaqada loogu diiday tahay iyadoo gabadha asalkeeda Somali yahay (did not deny that the reason was her Somali heritage).
Dowlada Britain ayaana ku eedeesay Imaaraadka Carabta in gabadhan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse heesata dhalashada UK kula kaceen cunsuriyad uguna diideen shaqada ay heshay asalka dalka ay kasoo jeedo.
Imaaraadka Carabta ayaan jawaab rasmi ah ka bixin eedeyntan la xidhiidha falka cunsuriyarda ah ee kula kaceen gabadha Soomaalida ah , waxa ay arintan imaneysaa xili uu meesha ka baxay xidhiidha ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.




