Gudoomiyaha Jaamacada Timacade Oo Ku Eedeeyay Gudida Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud Ee Imtixaanka Ka Qaadey Ardeyda Jaamacada Burco In Ay Badheedh Loo Ridey

Gabiley(OWN)-Gudoomiyaha Jaamacada Timacade Cismaan Aw Yuusuf Magan ayaa si kulul ugu eedeeyay Jaamacada Hargeysa iyo Jaamacada Camuud Gudi ay Sameysteen oo ah Macalimiinta Labada Jaamacadood Wax ka Dhiga oo Imtixaanka Kuliyadda Caafimaadka Wadajir uga Qaadey Jaamacada Burco, ay taxab jabin iyo Badheedhe u Rideen Ardey Tira badan oo Mudo Dheer Dhiganayay Jaamacadaa Kuliyada Caafimaadka.
Waxaanu ku Sheegay, in arintaasi khalad ku Tahey Jaamacadaha Kale ee Dalka Islamarkaana,ay Tahey Gef laga galey Ardeyda Jaamacada Burco,Waxaanu ku Tilmaamay in Labadaa Jaamacadood ay u heahiiyeen Jaamacadaha kale doonayaana In Jaamacadaha kale Xabsi ugu jiraan.
Cismaan Aw Yuusuf Magan oo ka hadlay Qalinjabinta Jaamacada Timacade oo ay Shaley ka Qalinjabiyeen 105 Ardey oo 60 kamid ahi ka Qalin jabiyeen Kuliyadda Caafimaadka, Waxa uu Sheegay in Gudida Isbaheystey ee Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud ay Si Badheedh ah u Rideen Imtixaanka Ardeyda Jaamacada Burco,Ardeyda Jaamacada Golis

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker