Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Iyo Gudomiyihii hore ee Baarlamaan Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hoygiisa ku martiqaaday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

 

Kulankaas ay wada qaateen Kheyre iyo Jawaari oo socday saacado dhowr ah  ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid la xidhiidhay is-xogwareysi xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo marxa lada kala guurka.

 

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan iyo Xasan Cali Kheyre ayaa isku boggaadiyay howlihii shaqo ay dowladda Federaalka u qabteen inta xilka haayeen.

 

Xasan Cali Kheyre oo labo cisho ka hor ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo bilow u ah Ololihisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2021.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker