Itoobiya oo sheegtay in hawsha Biyo Xidheenka Al-Nahda ay ku dhicidoonto waqtigii loo qorsheeyay

Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in geedi socodka buuxinta labaad ee biyo xidheenka Al-Nahda ee Wabiga Niil, uu ku dhici doono waqtigii loogu talagalay.

Wasaaradda Waraabka Itoobiya, ayaa waxay  sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay buuxinta Biyo xidheenkan, iyada oo si wada jir ah looga qeyb galaayo.

Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Itoobiya, Eng. Silishi Bekele, ayaa ugu baaqay Suudaan iyo Masar, inay soo magacaabaan hawlwadeenno ugu qeyb gala hawsha Biyo xireenka si ay isu weydaarsadaan xogta iyo hawsha ka hor inta aan la bilaabin buuxinta labaad ee Biyo xireenka Al Nahda.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker