Britian oo qaadday tallaabo aysan qaadin tan iyo dagaalkii qaboobaa

Ku dhawaad ​​8,000 oo ciidamada Britian  ah ayaa ku biiri doona dhoollatus taxane ah oo ay xagaagan ka qeybgalayaan dhammaan ciidamada waddamada Midowga Yurub oo dhan, cidamadan ayaa ah kuwii ugu tirada badnaa ee ay Britian  ka qeybgaliso dhoollatus milatari tan iyo dagaalkii qaboobaa.

Xoghayaha Difaaca Britian  Ben Wallace ayaa ku tilmaamay tallaabadan in ay tahay mid looga gol leeyahay in “lagu muujiyo midnimada iyo awooda Midowaga Yurub”.

Askartan ayaa ku biiri doonta ciidamada xulafada NATO iyo isbahaysiga ciidamada wadajirka ah, oo ay ku jiraan Finland iyo Sweden, kuwaaso soo bandhigi doona dhoollatus milatari.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker