Dhulgariir kale oo ku Dhuftay Gobol ka mida Dalka Turkiga

Dhul-gariir labaad ayaa 24 saac gudahood la soo sheegayaa in caawa laga dareemay magaalada Izmir ee ku taalla galbeedka dalka Turkiga sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaadhaya.

Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in dhulgariirkan uu ahaa mid xooggan oo cabirkiisi ahaa 5.3 inkastoo awoodiisu ka yareyd kii shalay dhacay.

Lama oga illaa hadda khasaaraha uu geystay dhulka gariirka labaad oo ku soo beegmay xili uu magaaladaas booqanayo Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyib Erdogan oo uu kuurgalaya saameynta burburka iyo khasaaraha uu geystay dhulgariirkii shalay.

Tirada dadka ku dhintay dhul gariir xoogan oo Jimcihi shalay ka dhacay magaalada Izmir ee dalka Turkiga ayaa gaartay ugu yaraan 26 qof, halka dhanka dalka Greece uu isna dhul-gariirku ku dilay laba qof.

Sidoo kale in ka badan 800 oo qof ayaa ku dhaawacmay dhul-gariirkii shalay ka dhacay magaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga ee Izmir.

Kooxaha badbaadada ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii ay burburka hoostiisa uga soo saari lahaayeen dad la la’yahay oo ay u badan tahay in ay ku hoos jiraan burburka guryaha dumay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker