Wararka Ugu Danbeeyey dagaalladii dhex-maray Soomaalida iyo Canfarta.

Ugu yaraan boqol qof ayaa ku dhintay dagaalladii dhex-maray maalmihii lasoo dhaafey Soomaalida iyo Canfarta.

Maamulka deegaanka Soomaalida iyo maamulka Canfarta ayaa ka hadlay dagaalkii maanta dhacay, iyagoo midba midka kale ku eedeeyey inuu weerarka ku horreeyey.

Cali Beddel, wasiirka Warfaafinta ee deegaanka Soomaalida oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in 25 qof ay dileen ciidanka Canfartu jimcihii lasoo dhaafay, weeraro kale oo is xig-xigayna ay ku dileen dad rayid ah oo aan tiradooda la garanayn.

Taliye ku-xigeenka booliiska Canfarta Axmed Xumed oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 100 askari ah oo labada dhinac ah, waxa uu sheegay in Soomaalidu weerar kusoo qaadday:

“Ciidamada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida … waxay weerareen aagagga Haruk iyo Gewane iyagoo adeegsanaya hub culus oo ay ka mid yihiin qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambooyin. Carruur iyo haween ayaa la dilay iyagoo hurdaya,” ayuu yidhi Axmed oo la hadlay Reuters.

Dagaalka ayaa si weyn uga socday shalay deegaanka sitti waxaana ka dhashay sidoo kale dhaawac farabadan iyadoo dadka Soomaalida ay tagayeen isbitaalada si ay askarta dhiig ugu deeqaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker