Dowlada Sudan Oo Baabi’isay Sharci Ka Dhan Ah Maamulka Isra’iil

Dowlada Sudan ayaa mudo 63-sano kadib meesha ka saartay sharci diidayay jiritaanka dowladnimada Isra’iil, waxa ayna dowlada Sudan talaabadan u qaaday sidii ay xidhiidh toos ah ula yeelan laheyn maamulka Isra’iil.

Kulan ay shalay oo talaado ah yeesheen golaha Wasiirada Xukuumada Sudan ayaa meesha looga saaray sharcigan kahor imaanayay in la aqoonsado Israil sidoo kale xidhiidh toos ah lala yeesho maamulkaasi.

Xukuumada Sudan go’aankan ay shalay gaartay ayaa ah mid ay ku dooneyso in Isra’iil ula yerelato xidhiidh ganacsi iyo mid diblumaasi , bilooyin kadib markii ay heshiis hoose gaadheen dowlada Sudan iyo maamulka Israa’il.

Dowlada Sudan iyo dowlado kale oo Carbeed ay ku jirto Imaaraadka Carabta ayaa horey meesha uga saaray sharciyo diidayay in xidhiidh la yeeshaan maamulka Isdraa’il kadib heshiisyo dowladahaasi la gaadheen maamulka Isra’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker