Booliska Dubai Oo Xabsiga Dhigay Koox Dalxiisayaala Oo Lagu Eedeeyey Muuqaallo Qaaqaawan

Booliska Dubai ayaa xidhay koox dalxiisayaal lagu soo eedeeyey inay meel fagaara ah muuqaallo qaaqaawan ay isaga dubeen kaddibna soo dhigay baraha bulshada.

Muuqaalka oo ay dalxiisayaashu Sabtidi baraha bulshada ku baahiyeen waxaa ka muuqda dumar koox ah oo qaaqaawan oo muuqaallo meel fagaara ah isaga duubaya.

Qunsulka Ukraine u jooga Dubai wuxuu sheegay dadka ay booliska Dubai xidheen inay ku jiraan 11 dumar ah oo Ukraine u dhashay.

Sharciga dalka Iisutagga Imaaraadka Carabta oo intiisa badan waafaqsan shareecada islaamka waxaa jiro ficillo lagu muteysanayo xadhig  tusaale ahaan qofka oo meel fagaara ah si ulakac ah isugu qaawiyo sharciga Dubai wuxuu ku muteysanayaa ilaa iyo lix bilood oo xadhig ah ama ganaax dhan 5,000 oo dirham.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker