Dawladda Kenya oo jawaab kulul ka bixisay warqaddii James Swan ee Jubaland (Aqriso)
Nairobi (OWN) β Dowladda Kenya ayaa aad uga hor-timid warqaddii kasoo baxday wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan ee loo diray guddiga doorashada Jubaland, taasi oo lagu sheegay in haddii guddiga uusan sameyn is-beddelada hanaanka doorasho ee ay dalbatay beesha caalamka, aysan taageeri doonin natiijada doorashada.
Waraasadda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay, in inkasta oo guddiga doorashada Jubaland uu is-beddelo dhowr ah ku sameeyey hanaanka doorashada, uu haddana James Swan la yimid dalabyo cusub, islamarkaana uu shuruudo kusoo rogay qabsoomidda doorashada.
Kenya ayaa sheegtay inaysan jirin doorasho 100% dhameystiran, xitaa dalalka horumaray ee caalamka, islamarkaana aan la filan karin in doorashada Jubaland ay sidaas noqoto.
Qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay in guddiga doorashada Jubaland uu xaqiijiyey in doorashada ay noqoto mid dhex-dhexaad ah, la isku haleyn karo, oo cad, inkasta oo ay jirto inuu wajahayey caqabado xooggan
βHanaan doorasho oo muddo soo socday hadda waa gebo gebo, wuxuuna marayaa marxald xasaasi ah, isku day kasta oo lagu arbushayo ama dib loogu dhigayo saacaddii ugu dambeysay, waxa uu fowdo iyo xasilooni darro u horseedi doonaa Soomaaliyaβ ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.
Kenya ayaa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay, sida James Swan uu u xushay cidda uu kala tashanayo arrimahan.
βWaxaa xusid mudan in dhammaan dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo kuwa ciidamada ku tabaruca Amisom, uu wakiilka QM ka doortay kaliya Itoobiya inuu arrintan ku war-geliyoβ ayey tiri Kenya.
βMaadaama Kenya ay qeyb ka tahay beesha caalamka, muhiimna u tahay xasiloonida Soomaalida, islamarkaana deris la tahay Jubaland, islamarkaana aan lagala tashan mowqifka James Swan, Kenya ma aqbali karto in James Swan uu goβaan ku gaaro magaca beesha caalamkaβ ayaa lagu yiri qoraalka.
Hoos ka aqriso qoraalka