Askarigii Diley George Flyod Oo Lagu Xukumay 22 sano oo Xadhig ah
Askarigii cadaanka ahaa oo hore uga tirsanaa ciidamada booliiska magaalada Minneapolis Derek Chauvin ayaa lagu xukumay in ka badan 22 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu dilay George Floyd oo ahaa nin dhalinyaro ah oo madow ah.
Xeer Ilaaliyaha dacwada ayaa codsaday in lagu xukumo Chauvin xabsi soddon sano ah maadaama uu galay saddex dambi.
‘Waxa xukunku aanu ku salaysnayn waa shucuur ama naxariis, laakiin isla markaa waxaan rabaa inaan qirto xanuunka qoto dheer iyo kan weyn ee qoysaska oo dhami dareemayaan gaar ahaan qoyska Floyd,’ ayuu yidhi garsoore Cahill.
Xeerbeegti bishii Abriil waxay Chauvin ku heshay dambi dhammaan eedeymihii lagu soo oogay – dil darajada labaad, dil darajada saddexaad iyo dil toogasho heerka labaad ah.
George Floyd ayaa qoorta looga istaagay daqiiqado waxana uu geeriyooday isagoo oranaya ma neefsan karo, geeridiisa ayaa dhalisay in banaanbaxyo rabshado wata ay ka dhacaan magaaloyin badan oo ku yaal dalka Maraykanka.




