Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo ku iibisay Gurigii Dawlada ee Khayriyada Hargeysa Lacag Laba Milyan iyo Badhka badan!!!!
Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa Iibisay Fagaarihii Khayriyada Magaalada Hargeysa, oo ay ka saartay Ganacsade Xukuumadii Kulmiye ee ka horeysay ka Kireysay. Ganacsadahaas oo isaggu fagaarihii Khayriyada Hargeysa ka dhigtay Huteel laga cunteeyo.
Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxay siisay Fagaaraha Khayriyada Hargeysa, Lacag cadadkeeda lagu sheegay laba Milyan iyo todoba boqol kun, oo Dolar taas oo aan lagaranayn meel ay marayso iyadoo shacabka Somaliland ay Madaxweyne muuse Biixi ku xamanayaan inuu handaraabku dhinac uga furan yahay beeshiisa oo kaliya.
Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayey ahayd markii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Albaabada u laabtay Huteelkii hore looga dhigay Gurigii Khayriyada Hargeysa, iyadoo Xukuumadu xabsiga dhigtay ganacsadihii ganasadihii meheradaa Ka samaystay, waxanay talaabadaas dadweynuhu u arkaayeen mid sax ah oo lagu soo celinaayo hantida qaranku lahaa ee siffaha sharcidarada ah dadweynaha gacanta loogu geliyey.
Waxase wax la-la yaabo ah in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, iyadduna Iibiso goobihii dawlada intoodii soo hadhay, ee ka badbaaday Xukuumadihii hore.





