Dawlada Shiinaha Oo gaashaanka ku Dhufatay Xidhiidhka dhexmaray Somaliland iyo Taiwand

Dowladda Shiinaha ayaa war kasoo saartay xidhiidhka  Dublimaasiyadeed Ee ay Sameysanayaan  Dawladaha  Taiwan iyo Somaliland iyada oo Shiinuhu u Aqoonsantahay Taiwan qayb ka mid ah dalwaynaha Shiinaha.

 

Taiwan ayaa  sheegtay in ay xafiis ka furanayso magaalada Hageysa ee caasimadda Soomaaliland,iyada oo tallaabadaas uu si deg deg ah uga hadlay Safiirka Shiinaha u fadhiya Somalia.

 

 

Labada  Dawladood ee Soomaaliland iyo Taiwan ayaa la sheegay in ay Taleefoonka kaga  wadahadleen nooca xidhiidhka dhexmaraya iyaga oo ku Heshiiyay is aqoonsi iyo in midba midka kale Baasaboorkiisa  uu ku tago Wadanka kale Waa Somaliland iyo Taiwan-ne.

 

 

 

Dhinaca kala dowladda China ayaa u Aqoonsan Taiwan qeyb kamid ah dhulkeeda, in kasta ay madaxbanaani sheegato.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Somalia ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay arrintan waxaana uu tilmaamay in warkan uusan aheyn mid aan u cuntami doonin sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

“Uma oggolaanayno in qof, Urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul ka mid ah Shiinaha waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha waana wax aan loo dulqaadan karin” ayaa lagu yidhi bayaanka inkastoo aysan soo hadal qaadin Magaca Somaliland.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker