Qaramada Midoobay oo Somaliland ka Caawinaysa La Dagaalanka Ayaxa

Hargeysa (OWN) – Waxaa maalintii Axadii madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal International soo cago-dhigatay labo diyaaradood, kadib furitaankii shirka Jabuuti ee wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Diyaaradahaasi ayaa ahaa kuwo ay hore u diiday Somaliland oo la sheegay inay buufinayeen Ayaxa, isla markaana la soo mariyay dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu maamul goboleedyada dalka sii gaadhsiineysay.

 

 

Imaatinka diyaaradahaasi ayaa lala xidhiidhiyey furitaanka shirkaasi iyo is-fahan wada-shaqeyn oo ka dhalanaya dowladda federaalka iyo Somaliland, oo muddooyinkii dambe ay ka dhex aloosnay  xiisad xoogani.

 

 

Wasiirka Beeraha Somaliland iyo xubno ka tirsan Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa madaarka Hargeysa kusoo dhaweeyay diyaaradahaasi oo xiligan baahi weyn ay  u qabto Somaliland, maadama uu Ayax faro badan ku habsaday qaar kamid ah deegaanadeeda Dalkeeda.

Wasiirka beeraha ayaa sheegay inay  dadaal badan galiyeen diyaaradahaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay wax ka tari doonaan sidii Loo dabar-goyn lahaa ayaxa faraha ba’an ku haya.

 

 

 

Talaabadaasi ayaa U muuqata mid lagu dabaqayo is-fahan hordhac ah oo laga gaadhay in Somaliland si toos ah loogala tacaamulo deeqaha  Caalamiga ah , iyada oo Hay’addaha caalamiga ahna ay si madax-banaan ula tacaamuli karaan xukuumada Somaliland, iyaga oo aan soo mareyn dowladda federaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker