Janaraal Khaliifa Xaftar Oo Diiday Xabbad-Joojintii Qaramada Midoobay , Kuna Hanjabay Inuu Qabsanayo Caasimadda Liibiya

 

Tripoli (OWN)- Hoggaamiyaha fallaagoobay ee dalka Liibya, Janaraal Khaliifa Xaftar ayaa soo saaray farriin uu ugu tala galay in uu shacabka Liibiya iyo adduunka kaleba kula hadlo oo ku saabsan Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Qorshihiisa waxaanu sheegay in ciidammadiisu ay guluf hor leh ku qaadi doonaan  magaalada caasimadda ah ee Tripoli saacado uun kaddib markii Qaramada Midoobey ay ku baaqday dhinacyada isku haya colaadda inay wada gaadhaan heshiis xabad joojin ah bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaramada Midoobey waxay codsatay in xaaladda ban’iidanimada la dhowro balse Janaraal Xaftar ayaa ugu baaqay taageerayaashiisu inay ballaadhiyaan go’aankooda iyo damacooda ah inay weeraro kale ku qaadan magaalada Tripoli si ay ula wareegaan gacan ku heynta halkaasi.

 

Tan iyo markii dagaallada dalka Liibiya ay dib uga soo cusboonaadeen Tripoli iyo agagaarkeeda bil ka hor, tobonaan kun oo qof ayaa ka qaxay guryahooda.

Sabtidii toddobaadkan kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka ayaa sheegtay inay ka dambeeysay weerar lagu qaaday xarunta tababarka ciidammada Janaraal Xaftar. Waxaana muuqata in dagaallo saddex geesood ahi dalkaasi ka dhaceen oo u dhaxeeya dawladda beesha caalamku aqoonsan tahay, ciidamada uu wato Janaraal Xaftar iyo Maleeshiyaad dawladda Islaamka isku sheega oo aana qoloba qolada kale bixinayn oo ay cadaw u tahay.

Xarumaha caafimaadka waxay sheegeen in 9 qof ay ku dhimateen weerarka lala beegsaday magaalada ku taalla koonfurta dalkaasi Liibiya ee Sabha.Qaramada Midoobay ayaa shalay waxa ay soo saartay warbixin ay walaac kaga muujisay xaaladda dalkaasi Liibiya iyaga oo dhinacyada isku haya ugu baaqay xabbad joojin degdeg ah gaar ahaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan si dadka dhibaataysan loo gaadhsiiyo gargaar bani aadamnino oo degdeg ah balse waxa durba baaqaasi ka hor yimid Janaraal Khaliifa Xaftar oo doonaya in uu xoog ku qabsado caasimadda Liibiya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker