Murashax Farxaan Muuse Iimaan oo Xadhigga ka jaray Xafiiska Ololaha ee Degmada Ballicabane

Hargeysa (OWN)- Murashaxa Golaha Wakiillada Gobolka Maroodijeex Farxaan Muuse Iiman oo uu weheliyo murashaxa Golaha Deegaanka Degmada Balicabane Ibraahim Cabdilaahi Aw-Khaliif, ayaa maanta xafiis ka furtay magaalada Ballicabane ee gobolka Hawd.

Munaasibad loo qabtay xadhig-ka-jarista xafiiska labada murashax waxa ka qayb-galay wax-garadka, dhalinyarada, Aqoonyahanka iyo Haweenka Degmada Ballicabane, waxaana hadallo ka jeediyey labada murashax ee u tartamaya Golaha Wakiillada ee gobolka Maroodijeex iyo Golaha deegaanka ee degmada Balligubale ee gobolka Hawd.

Murashax Farxaan Muuse Iimaan oo ka hadlay munaasibadda, ayaa bulshada degmada uga mahad-celiyey soo-dhaweyn ay ku qaabileen weftigiisa isla markaana ku ammaanay isku-duubni iyo Is-abaabul xooggan oo bulshada degmadu kaga qayb-qaateen hirgelinta xafiiska ololaha ee labada murashax.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadallada ay murashaxiintu ka jeediyeen munaasibadda xadhigga lagaga jaray xafiisyadooda ololaha ee degmada Ballicabane.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker