Xidhiidhka Somaliland iyo Qatar oo u Muuqda Mid Sidii hore ka Fiicnaanaya

Dowladda Qatar ayaa shalay deeq mucaawino ah soo gaadhsiisay magaalada Hargeysa, midaasi oo ka qeyb qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah cudurka Coronavirus/Covid-19.

 

 

Xukuumada Somaliland ayaa si yaab leh uga fal-celisay deeqdaasi, iyada oo laga dheehan karayey hab maamuska Sareeya ee  lagu gudoomey heerka uu marayo xidhiidhka labada dhinac.

 

 

Deeqdaasi ayaa Doraad  soo gaadhay madaarka Hargeysa, Deewdaas oo uu waday Safiirka Qatar u qaabilsan Soomaaliya Iyo Somaliland , Amb Xassan bin Xamza Hashem, iyada oo ay soo dhoweynta wafdiga mucaawinada waday ay ka Muquurteen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Somaliland.

 

 

Waxaa soo dhaweeyay Wafdiga Qatar ee siday deeqda caafimaad xubno Meeqaam buuran leh oo ka tirsan Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi, kuwaasi oo uu hor kacayey Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka iyo Guddoomiyaha hay’adda ka hortaga Aafooyinka.

Meeqaamka ay ku gudoontay deeqdan xukuumada Biixi ayaa  si weyn uga  dhawaa  midkii ay dhawaan kaga gudoomeen dowladda Imaaraadka, oo iyadu deeqdan caafimaad oo kale keentay Somaliland.

 

 

Mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumada Muuse Biixi ayaa xiligaasi ka gudoomay deeqdaasi xubnihii Imaaraatiska  ahaa, iyada oo ay madaarkana si meeqaam leh ugu soo dhaweeyeen Wasiirada Maaliyadda, diinta & awqaafta, Iyo ka  Caafimaadka iyo masuuliyiin kale oo darajadoodu ay aad u sareyso.

 

 

Somaliland iyo Imaaraadka ayaa leh Xidhiidh  aad u wanaagsan, halka uu hooseeyay  Xidhiidhka kala dhaxeeyay  Qatar oo iyadu saaxiib dhow la ah dowladda federaalka Soomaaliya.

balse imika u muuqata mid ay isku soo dhawaanayaan Somaliland .

 

 

Waxayna u muuqata hab maamuuska Sareeya  ee Xukuumada Somaliland ku qaabishay deeqda Qatar, ay ka dhigan tahay inay Mataanaynayso Laba  Dawladood oo aan isku san Banaanayn  

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker