Gudida Doorashooyinka Ethiopia oo Ururka ONLF Gabi ahaanba ka Reebay Xisbiyad Tartamay

Ururka ONLF ayaa Beeniyay in uu buuxin waayeen shuruudaha Xisbinimo, sidaa awgeedna laga leebay liiska xisbiyada rasmiga ah ee la filayo in ay ka qeyb qaataan doorashada dalkaasi ka dhici doonto bartamaha sanadka dambe.

 

Inta la ogyahay ilaa laba xisbi siyaasadeed oo kaliya ayaa ka soo baxay dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia  oo mid ka mid ah uu yahay xisbiga barwaaqo ee maamulka haatan jira iyo xisbiga dimuqraaddiga ah ee Soomaali galbeed (Western Somali Democratic Party).

 

Ururka ONLF ayaa ahaa jabhad hubeysan oo dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya balse heshiis la saxiixday dowladda ra’iisalwasaare Abiy Axmed, kaa oo horseeday in la soo xareeyo ciidamadii jabhaddaasi isla markaana ONLF ay ka mid noqoto xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

 

 

Guddiga Doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay liiska ka masaxeen shahaadada xisbiyo badan, kuwaasi oo kamid ahaa xisbiyada Siyaasada ee ka jira dalkaas oo hore aqoonsi u haystay.

 

Guddiga ayaa sidoo kale digniin u diray 12 Xisbi oo ay sheegtay Gudidu Inay ka dhiman yihiin shuruudihii loo baahna, iyada oo digniin u dirtay inay sida uga dhaqsaha badan usoo buuxiyaan, ka hor inta aan laga gaadhin go’aan.

 

Xisbiyada digniinta loo diray waxa kamid ah Ururka caanka ah ee ONLF ama Jabhadda xoraynta Ogaadeeniya – (Ogaden National Liberation Front), kaasi oo waayi kara xisbinimadiisa haddii uusan buuxin shuruudaha ka dhiman, sida uu sheegay guddigu.

 

 

Sidoo kale waxa kamid ah xisbiyada la tirtiray ee uu Guddigu sheegay inaysan buuxin shuruudihii looga baahna laba xisbi oo ka jira deegaanka Soomaalida,

 

Kuwaas oo kala ah; Xisbiga Waddaniga ah ee Soomaalida – (Somali Patriotic Party: SPP) iyo Xisbiga Midowga Dimuqraaddiga ah ee deegaanka Soomaalida – (Somali Regional Democratic Union: SRDU).

 

Guddiga ayaa waxa kale oo ay ku dhawaaqeen liiska 40 xisbi oo ay sheegen inay buuxiyeen shuruudaha xisbinimo, kuwaas oo safka hore kaga jiro xisbi siyaasadeedka cusub ee uu dhawaan aas-aasay ra’iisal wasaare Abiy Axmed ee lagu magacaabo xisbiga Barwaaqada – (Prosperity Party: PP).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker