Orodyahanka Mo Faarax oo ku guuleystay tartan ka dhacay Jabuuti

Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyay tartan dhanka orodka ah oo ka socday dalkaas, Waxaana kaalinta koowaad ku guuleystay Orodyahanka  Maxamed Faarax oo ka socday Britain halka kaalinta labaad uu galay Bashiir Cabdi oo ah nin Soomaali ah oo matalayay dalka Belgium.

Waxaana kaalinta saddexaad uu galay Muumin Buux oo ka socday Jabuuti, Tartankan waxaa soo qabanqaabiyay xiriirka tartamada orodka ee Jabuuti.

Tartamadan waxaa ka qeybgalay waddamo dhowr ah oo ay kamid yihiin Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Britain iyo Belgium.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker