Dawlada Iiraan oo Sheegtay inay Jawaab aan La Mahadin ka Bixin doonto Weerarka Lagu Qaaday Markabkeedii Saliida

Afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa sheegay “weerarka fuleynimada” ee lagu qaaday markab saliidda qaada oo ay Tehran leedahay loo adeegsaday gantaal, inay  Iran jawaab kulul ka bixin doonto.

Wakaaladda wararka ee Iran IRNA oo soo xigatay afhayeenka xukumadda Tehran Cali Rabiic ayaa sheegtay Markabka weerarka loo geystay ee Sabit inuu marayey Jimcihi biyaha dalka Sacuudi Carabiya.

Tani iyo bishi May ee sanadkan waxaa gobolka ka dhacayey weerarro loo geysanayey maraakiibta saliidda qaadda oo ay leeyihiin waddama kala duwan.

Iran waxa kale oo ay sheegtay iney baadhitaanka ay ku waddo weerarkaasi uu gabagabo marayo natiijada ka soo baxdana iyada oo ka duuleysa  ciddi weerarkaasi ka dambeysay , inkastoo aanay wali muuqdaan wax dhaawacyo ah.

Qalabka lagu ogaado maraakiibta ayaa sheegaya in labada markab ee magacyadooda la xusayba ay ku sugan yihiin badda cas gudaheeda.

Markabka Sinopa wuxuu qalabkiisa isgaarsiinta daaray horaantii Isbuucan, waxayna ahayd markii ugu horreysay ee uu sidaas sameeyo muddo 50 maalmood ah.

Dhinaca kale, markabka Sabiti wuxuu isagu qalabkiisa daaray aroornimadii saaka, ka dib markii uu 60 maalmood dansanaa.

Sida uu qabo sharciga caalamiga ah, dhammaan maraakiibta badda ku jira ayaa laga doonayaa inay lahaadaan qalabkooda iskaarsiinta ee casriga ah, laakiin kuma khasbana inay mar walba u daarnaadaan.

Il-wareed ka tirsan shirkadda falanqeysa arrimaha badda ee Windward ayaa BBC-da u sheegay in maraakiibta Iiraan ay caado u leeyihiin inay damiyaan qalabkooda lagu soo garan karo, si ay uga hor tagaan in la soo bartilmaameedsado ama la fahmo dhaqdhaqaaqyadooda.

Sababta ugu weyn ee ay arrintaas u sameeyaan ayaase ah inay ka dhiintaan cunaqabateynta saaran Iiraan iyo waliba inay iska ilaaliyaan dhibaatooyin ay kala kulmi karaan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Sacuudiga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker