Shirkii Raysal Wasaaraha Soomaaliya Rooble iyo Mucaaradka Oo Natiijo La’aan Ku Dhamaadey

Shirkii saddexaad oo ay isugu yimaadeen inta badan Midowga Musharixiinta badankood iyo Raysalwasaare Rooble ayaa habeenkii xalay natiijo la’aan ku dhamaadey.

Qodobada laga hadlaayey ayaa kala ahaa

1.Amniga xiliga doorashooyinka
2. Doorka Musharixiinta ee heshiiska doorashada
3. In Rooble la wareego awooda dalka iyo hirgelinta doorashooyinka
4. Banaanbaxa Sabtida loo ballan san yahay.

Midowga Musharixiinta ayaa dalbadey in amniga doorashada ay la wareegaan AMISOM xiliga doorashada, taas oo Raysalwasaare Rooble sheegay in ay tahay mid u taala Dowladda. Dhanka kale Musharixiinta ayaa doonaayey in ay door ku yeeshaan dhamaystirka heshiiska doorashada iyo hirgelinta 17 September lagu gaarey Muqdisho, laakiin qodobkaas oo lagu dheeraadey ayaa isaguna fashil ku dhamaadey.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Xassan Xundubey ayaa sheegay in kulankan wax natiijo ah ka soo bixin laakiin lagu ballamey kulamo kale.

Dhanka Musharixiinta ayaa waxaa ka hadley Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxcaana uu yirdhi “Midowga murashaxiinta wuxuu isku deyey in uu sameeyo tanaasul kasta oo suuragal ah si xal loo gaaro, xiisadana loo dejiyo. Nasiibdaro dhinaca kale taas kama suuragelin, sababtuna waa in ruux masuuliyad iyo awood siyaasadeed uu leeyahay cid ka hoosaysa fariin qoraal ka sugaya.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Rooble ku eedeeyey in waxkasta oo ka sugaayey qof ka hooseeya oo isagu ka sareeyo kaas oo aanu sheegin.

Si kastaba maalinta berri ah waxaa loo madlan yahay banaanbax siyaasadeed oo looga soo horjeedo in Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maamed Cabdullaahi farmaajo ku fashilmey in uu doorashooyin dalka ka qabto ka hor dhamaadka muddo xileedkiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker