Booliska Maraykanka Oo Soo Helay 150 Caruur ah Oo La La’aa.

Booliska gobolka Tennessee ayaa baadhitaan bilo socday ka dib soo helay 150 caruur ah oo la la’aa.

Caruurtan oo da’doodu u dhaxayso 3 ilaa 17 jir ayaa lagu soo helay saddex “hawl gal oo laba todobaad” ka socday gobolkaas oo dhan.

Shan ka mid ah caruurtaas ayaa la tuhunsanyahay inla tahriibinayey sida ay sheegeen dembi baadheyaashu, midna waxa loo haystay af-duub.

Hawl galkan caruurta lagu soo furtay ayaa ahaa kii ugu ballaadhnaa ee dhawaanahan gobolkaas laga fuliyo.

“Waxaan qabaa in hawlgalkan lagu badbaadiyey nolosha 150 caruura naftooda oo haatan ay cagta saarayaan dhabbe ay ku gaadhayaan mustaqbalka ilmo kastaa u qalmo” ayuu yidhi salkaan ka tirsan booliska gobolkaas oo la yidhaa Tyreece Miller.

Hawl galkan waxa la bilaabay dabayaaqadii 2020 ka dib markii la ogaaday in 240 caruur ah la la’yahay, waxaanay ahayd arintaasi tii keentay in hawl gal wada jira ay bilaabaan laamaha amaanka ee gobolka Tennessee iyo waaxda daryeelka dhallaanku.

Dedaalkan lagu soo daynayo caruurtani wuxuu bilaabmay bishii Jeeniweri waxaan muddo laba bilood gudahood ah lagu soo helay 150 caruur ah.

Siyaabaha loo soo helay caruurtan ayaa kala duwan sida ay saraakiishu sheegeen. Waxaana ka mid ahaa in caruurta qaarkood laga helay guryo lagaga tagey, iyo kuwo kale oo qoysas aan kuwoodii ahayn la noolaa, halka kuwo kalena dhibaato iyo cabiidsi lagu hayey.

Tim Burchett oo ah xildhibaan ku jirta Congress-ka oo laga soo doorto Tennessee ayaa hawshaa ku tilmaamay “mucjiso”.
Sannadkii 2020 caruurta la soo furtay waxa wadartoodu tahay 387 dhalaan ah, waxaana gacan ka gaystay hawlgalkaa lagu soo daayey booliska heer federaal.

Dhawr gobol oo ay ka mid yihiin Ohio, Virginia, Indiana iyo Georgia ayaa sidoo kale bilaabay hawl gallo noocan oo kale ah oo lagu baadi goobayo caruur la la’yahay.

Waxa la sii wadi doonaa dedeaalka lagu baadi goobayo 90 ka caruura ee weli aan la helin ee gobolka Tennessee, waxaana sidaa sheegay af-hayeenka waaxda dembi baadhista ee gobolkaas, Josh DeVine.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker