Maraykanka Oo Ugu Baaqay Dawlada Federaalka ah ee Soomalia inay Wadahadal La Furto Madaxda M Goboleedyada

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa  Wadahadal ugu baaqday Dowaldda Dhexe iyo kuwa Maamul goboleedyada ka jira dalka Somalia . islamarkaana ay dhameeyaan khilaafka ka dhexeeya.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Safaarada Mareykankan ee Somalia ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu ku boorinayo Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha Xubnaha ka ah Nidaamka Federalka  in ay dib u soo celiyaan wada shaqeyntoodii, iyagoo kaashanaya beesha caalamka.

 

Mareykanku waxa uu ka codsaday dowladda federaalka ah Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, baarlamaanka, iyo saamileyda siyaasada in ay iska kaashadaan sugidda amniga iyo sidii ay u dhaci lahayd Doorasho lagu kalsoonaan karo 2020/2021.

 

Sidoo kale Mareykanka aya sheegay in uu sii wadayo dadaalkiisa dhexdhexaadinta ee dowladda federaalka iyo dhammaan Madaxweynayaasha shanta dowladood ee xubnaha ka ah.

Mareykanku wuxuu tilmaamay in doorashooyinkii dhowaan ka dhacay dowlad goboleedyada ay ahaayeen kuwo aan dhammaystirnayn, balse wuxuu ugu baaqay in ay xoogga saaraan dib-u-heshiisiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker