Ciidanka Milatariga Somaliland Oo Beeniyay Wararka Sheegayay In Ay Baneeyeen Jiida Hore Ee Tukaraq

Abaanduulaha Kowaad ee Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto C.risaaq Siciid Bulaale ( Afgaduud) iyo Saraakiil uu hogaaminayo ayaa maanta kormeer ku tegay fadhiisimada hore ee Ciidanka qaranka ee deegaanka Tuko-raq.

Abaanduulaha waxaa kormeerkan ku wehelinayay Taliyaha aaga bari ee Ciidanka qaranka Sareeye guuto Cali bare Xuseen, Afhayeenka Ciidanka qaranka Gaashaanle sare C.raxmaan C.laahi, Abaanduulaha aaga bari ee Ciidanka qaranka, Hogaanka Ciyaaraha ee Ciidanka qaranka iyo weliba Gudoomiyaha Gobolka Sool C.qani Maxamud Jiidhe.

Taliyaha aaga bari ee Ciidanka qaranka Sareeye guuto Cali bare Xuseen ayaa ugu horayn ka warbixiyey xaalada ciidanka qaranka ee Ku sugan fadhiisimada hore ee Gobolka Sool, Waxa uu taliyuhu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo laga faafiyey Ciidamadda, Waxa uu Taliyuhu sheegay in Ciidanka qaranku si waddaniyadi ku jirto heegan ugu yihiin difaaca dalkooda, Taliyuhu waxa uu intaas ku daray in haba yaraate wax ka jiraa aanay Jirin warar ay baahiyeen shakhsiyaad cadaw ku ah Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu hoosta ka xariiqay in Ciidamada qaranku ay sidii caadiga ahayd ugu sugan yihiin fadhiisimadooda goboladda Sool iyo Sanaag.

Afhayeenka Ciidanka qaranka isla markaana ah hogaanka Gaadiidka gaashaaman ee Ciidamadda qaranka Gaashaanle sare C.raxmaan C.laahi xasan ayaa dhankiisa ka warbixiyey Ujeedada Socdaalka weftigan uu hogaaminayo Abaanduulaha Kowaad ee Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu sheegay inay kormeereen dhamaanba fadhiisimadda ciidanka qaranka ee deegaanka Tuko-raq isla markaana ay Waajibaadka qarankooda u gudanayaan sidii loogu talo galay.

Geesta kale Abaanduulaha Kowaad ee Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto C.risaaq Siciid Bulaale ( Afgaduud) ayaa sheegay in Ciidamadda qaranku yihiin geesiyaal u taagan difaaca qarankooda waxaanu meesha ka saaray wararka dhaawacaya Sharafta Ciidanka qaranka, Waxaanu abaanduuluhu cadeeyay in aanay Jirin hal askari oo ka soo baxay fadhiisinkii uu kaga jiray difaaca dalka.

Gabo gabadii waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool C.qani Maxamud Jiidhe oo u mahadceliyey weftiga uu hogaaminayo abaanduulaha Kowaad ee Ciidanka qaranka ee Kormeerka shaqo ku yimid fadhiisimada Ciidanka qaranka waxa uu Gudoomiyuhu sheegay in aan loo dul qaadan doonin dadka caadaystay inay Ceebeeyaan Ciidanka qaranka oo kaalin mug leh kaga jira xaqiijinta himilooyinka uu dalkani leeyahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker