Baqdin la soo deristay hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala Marinka Gaza

Dunida ayaa indhaha ku kala qaadday weerarkii ay Ciidamada Israel ku dileen Shaqaalaha Hay’adda World Central Kitchen, ka dib dhacdooyin xiriir ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen howlwadeennada gargaarka.

Shaqaalaha gargaarka oo in muddo ahba u dhabar adeygayay inay duruufo adag ugu sii shaqeeyaan dadka rayidka ah ayaa hadda quus ka muujinaya inay ka sii hawlgalaan Gaza, haddii Ciidamada Israel ay caadeysteen inay si aan kala sooc lahayn u beegsadaan dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka.

Tallaabada ay Israel ku dishay toddobo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda World Central Kitchen ayaa la sheegaya in ay sii xididay gargaarkii aan marka horeba macnaha badan lahayn ee sida dhibka badan lagu gaynayay Marinka Gaza.

Haatan waxaa jira walaac caalami ah oo laga qabo inuu meesha ka baxo gargaarkii naf badbaadinta ahaa ee la gaarsiinayay shacabka muddada dheer wajahaya go’doominta adag ee Israel.

Hay’adaha gargaarka oo qaarkood si wadajir ah bayaan u soo saaray ayaa caalamka ka dalbaday in Israel lagu la xisaabtamo weerarka dhimashada badan sababay ee loo gaystay shaqaalihii u shaqeynayay World Central Kitchen, si isla xisaabtankaasi uu u horseedo is bedel dhab ah.

Bayaankooda ayay ku sheegeen in Israel ay si nidaamka weeraro ugu hayso dadka rayidka ah iyo shaqaalaha NGO-yada ee ka hawlgala Gaza.

Saraakiil ka tirsan shaqaalaha samafalka ee ku sugan Gaza ayaa walaac ka muujiyay inay ka sii shaqeeyaan Gaza, haddii aanay dunidu qaadin tallaabooyin hoos loogu dhigayo ugaarsiga lagu hayo.

Saraakiisha qaarkood ayaa Wakaaladda Wararka AFP u sheegay in xaaladuhu ay noqdeen kuwo aan suurtagal ahayn, isla-markaana ay dhibaatooyin halis ah ka jiraan nidaamka iskudubaridka gargaarka ee ay iyaga iyo Ciidamada Israel ku wada shaqeeyaan.

Nidaamkan ayaa ah mid ay Ciidamada Israel kula soconayaan dhaqdhaqaaqa shaqaalaha iyo goobaha la gaarsiinayo gargaarka, si ay ugu cayimaan waddooyin ay maraan, tiiyoo ay jirto ayaa waxaa haddana dhacda in ay beegsadaan kolonyada gargaarka iyo shaqaalaha ka shaqeynaya gurmadka bani’aadantinimo, waana sababta ay hay’aduhu uga qaylo dhaaminayaan weerarada qorsheysan ee Ciidamada Israel.

Aasaasaha Hay’adda World Central Kitchen, José Andrés ayaa sheegay in dilka shaqaalahooda loo gaystay aanu ahayn khalad ka dhacay goob dagaal, balse uu ahaa weerar ay Israel ugu talagashay.

“Waxa uu ahaa weerar toos ah oo lagu qaaday baabuur si cad u calaamadsan oo dhaqdhaqaaqooda ay yaqaaneen Militariga Israel.” Ayuu yiri José Andrés.

Andrés ayaa intaasi ku daray “Waxay sidoo kale ahayd natiijada tooska ah ee siyaasadda Dowladda Israel, oo ah in gargaarka bani’aadantinimo la gaarsiiyo heer quus ah.”

Ka dib dhacdadii lagu laayay shaqaalihii hay’addaasi, Mareykanka ayaa muujiyay sida uu uga careysan yahay qaabka ay Israel u waddo dagaalka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa goor sii horreysay sheegay in uu aad uga carooday weerarka lagu qaaday shaqaalaha gargaarka.

“Waxay cunto siinayeen dad rayid ah oo gaajeysan oo dhexda uga jira marxalad dagaal. Waxay ahaayeen geesiyaal oo naf hurreyaal ah, geeridooduna waa masiibo.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden oo Israel ku eedeeyay inaysan sameynin wax ku filan, si ay u ilaaliso shaqaalaha gargaarka.

Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii sheegtay in Ciidamada Israel ay Gaza ku dileen ku dhawaad 200 oo ka mid ah howlwadeennada gargaarka, oo ay ku jiraan 175 xubnood oo ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in duulaanka Israel ee Gaza uu sababay khasaarihii ugu badnaa ee ay ebid la kulmaan shaqaalaha gargaarka, waana tiradii ugu badneyd ee goob qura lagu dilo muddo billo gudahood ah.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay in si aan laga fiirsan ay u bartilmaameedsatay shaqaalaha gargaarka.

Israel ayaa cambaareyn xoog leh kala kulantay hoggaamiyeyaasha caalamka, ka dib weerarkii ugu dambeeyay ee ay ciidamadeeda sida naxariis darrada ah ugu dileen shaqaalihii gargaarka ee go’aansaday inay gacan ka gaystaan dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in wax looga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

Israel ayaa la qiyaasaya inaanay ku guuleysan doonin dagaalkan, inta ay burburineyso kaabeyaasha rayidka ee Gaza, isla-markaana ay dooneyso inay gaajo u disho shacab dhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker