Biden Oo Qaaday Xayiraadii Trump Saaray Dadka codsanaya Degenaanshaha Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa laalay wareegto uu horay u soo saaray maamulkii Trump taasi oo lagu hor istaagay dad badan oo kamid ah codsadayaasha kaadhadhka cagaaran in ay soo galaan Mareykanka.

Bayaankaan oo maalinimadii Arbacada ka soo baxay, Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu soo saaray amar fulin ah oo joojinaya xayiraadaasi saarnaa dadka soo galaya Mareykanka,gaar ahaan qoysaska kala maqan iyo kuwa magangalyo doonka ah.

Joe Biden markii uu qabtay talada xafiiska 20-kii  bishii koowaad ee sanadkan, wuxuu laalay dhowr siyaasadood oo ka dhan ah soogalootiga sida dadka magangalyo-doonka ah iyo mamnuucid lagu sameeyay dalal badan oo muslim ah.

Marka loo eego dadaalada dhinaca socdaalka ah ee uu wado Mr.Biden iyo dad gaadhaya11 milyan oo qof oo aan laheyn sharciga Mareykanka,waxaa suurtagal ah in uu la kulmo iska caabin adag oo ay kala horyimaadaan Jamhuuriyiinta Koongaraska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker