Gaas oo mas’uuliyadda dagaalkii Boosaaso dusha ka saaray xildhibaan Sacdiya

Madaxweynihii hore ee Dawlad-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 20 qof.

Madaxweynaha hore ee Puntland ayaa mas’uuliyadda dadkii shaqaaqadaas ku dhintay wuxuu dusha ka saaray Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar.

Idaacadda VOA ayaa la xiriirtay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha shacabka Soomaaliya xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar si ay wax uga waydiiso eedaha loo jeediyey balse nooma suuro gelin inaanu helno.

Hase ahaatee xildhibaan Sacdiya ayaa toddobaadkan VOA u sheegtay inay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) ka hor intii aanay diyaaraddu u duulin magaalada Boosaaso, isla markaana ay ku wargelisay mucaawimada ay keenayaan. Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya.

Waxaa kale oo Xildhibaan Sacdiya ay u sheegtay VOA in kadib markii ay diyaaraddu ka degtay magaalada Boosaaso inuu lasoo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaaash uuna ku wargeliyey in mucaawinada laga dejiyo diyaaradda. VOA waxay la xirirtay madaxweyne ku xigeenka oo ilaa haatan aan ka jawaabin telefoonkiisa.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay sidoo kale horey ula xiriirtay odayaasha dhaqanka si ay mucaawanada ugala wareegaan. Waxay sheegtay in mucaawinadan loo waday magaalada Boosaaso ay ahayd toddoba tan oo isugu jira bur, bariis, saliid iyo weliba cuntooyinka nafaqada.

VOA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker