Xamaas oo sheegtay inay qiimeynayso baaq uga yimid Israel

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa Sabtidii sheegay inay dib-u-eegs ku sameynayaan soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta colaadda Gaza ee uga timid Maamulka Israel.

Gudoomiye Kuxigeenka Xamaas ee Marinka Gaza, Khalil al-Hayya ayaa sheegay inay heleen soo jeedintii ugu dambeysay ee Israel u soo gudbisay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha, kaas oo 13-kii bishan la gaarsiiyay Masar iyo Qatar.

Khalil al-Hayya ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inay si dhow u dersi doonaan soo jeedintan, ka hor inta aysan jawaabtooda dib ula wadaagin Qaahira iyo Doha.

Israel ayaa dalbaneysa in muddo toddobaadyo ah la hakiyo dagaalka Gaza, iyada iyo Xamaas-na ay gaaraan heshiis maxaabiis is dhaafsi ah.

Xamaas ayaa horey ugu adkeysatay in xabad joojintu ay noqoto mid waarta, taasoo ay Israel diiday.

Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa ku guuldareystay in labada dhinac ay ku qanciyaan heshiis kale oo xabad joojin ah, ka dib heshiiskii muddada kooban lagu hakiyay colaadda ee ay gaareen daba-yaaqadii bishii November, markaas oo Xamaas ay sii deysay 80 ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, Israel-na ay xabsiyadeeda ka sii deysay 240 qof oo Flaastiiniyiin ah.

Warka haatan ka soo yeeray Xamaas ayaa imaanaya, maalin uun ka dib, markii wafdi ka socda dalka Masar ay gaareen Israel, si dib loogu bilaabo wada-xaajoodyada labada dhinac.

Dhanka kale Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa ka digay in Gaza ay markaan qarka u saaran tahay macluul.

“Sida keliya ee looga hortagi karo macluusha Gaza waa in gargaar ballaaran uu si joogto oo xor ah u gaaro Gaza.” Ayay OCHA ku sheegtay war ay soo saartay.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in macluul ay ka dilaaci karto Gaza lixda toddobaad ee soo socda, haddii aan Gaza la gayn gargaar cunto oo ku filan dadkeeda.

Kooxaha gargaarka bani’aadantinimo ayaa sheegay in xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ay faraha ka sii bixi doonto, haddii Israel ay weerar xagga dhulka ah ku qaaddo deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Gaza.

Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar ayaa waxaa buux-dhaafiyay 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Ciidamada Israel ayaa muddooyinkii ugu dambeysay si joogto ah u duqeynayay Rafah, si ay Xamaas ugu khasbaan in ay dib ugu soo laabato miiska wada hadalka.

Dhakhaatiirka ayaa sheegay in habeen hore oo ugu dambeysay ay Israel duqeymo ka gaysatay Rafah, isla-markaana ay ku dhinteen 12 qof oo shacab ah.

Dadka ku dhintay duqayntaasi ayaa waxaa ka mid ah qoys ka koobnaa shan qof, isuguna jiray aabe, hooyo, laba wiil iyo gabar ay dhalleen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker