Taliska Booliska Soomaaliya Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Qarax xoogan oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho uu ahaa mid is-miidaamin ah oo fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxybaha qarxa ah, kuna qarxay meel ku dhow SDaldhiga Booliska.

Booliska dowladda ayaa sheegay in Ciidanka amniga ka wargeleen qofka is qarxiyay, isla markaana la fashiliyay qaraxaas oo ay tilmameen in lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

“Wax yar ka hor abaare 11:25 AM, ayeey Ciidabka Boliisku ka war heleen, qof isku soo xiray walxaha Qarxa, si isugu miidaamiyo Ummadda, Ciidanka ayaa ka hor tagay oo fashiliyay” ayaa lagu yidhi Qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska.

Uuro iyo qiiq farabadan ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib, waxaana goobjoogayaal ay ku warrameen inay maqleen rasaas xoogan ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda federaalka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana aaga xiray gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker