Nin Qarax Ku Dhintay Isagoo Isku Dayaya Inuu Ogaado Ilmaha U Dhalan Doono

Nin rajeynayay inuu aabbe noqdo oo reer New York ahaa ayaa geeriyooday kaddib markii uu ku qarxay qalab uu sameynayay inuu ku ogaado wiil ama gabadh  waxa uu yahay ilmaha ay xaaskiisa uurka ku waddo, sida laga soo xigtay booliska.

Christopher Pekny, oo 28 jir ahaa, ayaa shilkan lama filaanka ahaa ku dhintay galabnimadii Axadda.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in qaraxa dilay Mr Pekny uu ku dhaawacmay walaalkiis Michael Pekny oo 27 jir ah, kaasoo hadda isbitaal yaalla.

Hase yeeshee boolisku wali ma aysan caddeynin waxa uu ahaa qalabka qarxa dhaliyay. Khubarada bambooyinka ee booliska New York ayaa hadda baaritaan ku wada dhacdadaas.

Peter Pekny Jr, oo ah ninka dhintay walaalkiis ka weyn ayaa wargeyska New York Times u sheegay in dhacdadan ay ahayd “tii ugu naxdinta badaneyd ee uu abid arkay”.

Horay waxaa loo soo tabiyay dhacdooyin waxyeello sababay oo la xiriiray ogaashada ilmaha caloosha ku jira.

Nin kasoo jeeday gobolka Mchigan ee isla dalka Mareykanka ayaa horaantii bishan ku dhintay shil ka dhacay xaflad madax-shub ah oo loo sameeyayay haweeney xaamilo ah oo laga dhowrayay foosha, sida ay booliska sheegeen.

Labo dhaco oo ku saabsan ogaashada ilmaha uurka ku jira ayaa la sheegay in ay hor seedeen dabkii keymaha ee gobolka California ka kacay bishii September, 2020 iyo mid gobolka Arizona ka kacay bishii April, 2017.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker