Maxkamad ka mamnuucday Trump doorashada gobolka Colorado

Maxkamadda Sare ee gobolka Colorado ayaa xukuntay in Donald Trump uusan u tartami karin xilka madaxtinimada sanadka soo socda, iyadoo soo xiganeysa qodob ka mid ah dastuurka.

Go’aan taariikhi ah, ayay maxkamaddu ku xukuntay in Mr Trump aanu ahayn musharax u qalma.

Waa markii ugu horeysay ee qaybta 3aad ee wax ka bedelka 14aad ee dastuurka Maraykanka loo isticmaalo in laga reebo musharaxa madaxweyne.

Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in Mr Trump laga tuuro doorashada ayaa lagu guuldareystay.

Go’aankan ayaa ilaa bisha racfaan laga qaadan karaa ilaa bisha soo socota waxaana la sheegay inuusan quseyn gobolada kale.

Xukunka ayaa kaliya khuseeya doorashada hordhaca ah ee gobolka ee 5-ta Maarso, markaas oo codbixiyayaasha Jamhuuriga ay dooran doonaan musharraxa ay doorbidayaan ee madaxweynaha, in kasta oo ay saameyn ku yeelan karto doorashada guud ee November.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker