waa naloo gacan dhaafay shidaalkayagii Afhayeenka ONLF?

Jabhadda ONLF ayaa dhaliishay go’aanka ay dawladda Ethiopia shidaalka uga soo saartay Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

“Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeeniya ku nool iyo Ethiopia in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Ethiopian ah waa gacan dhaaf waana diidannahay” ayuu yidhi Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge.

Khariidad

Dawladda Ethiopia ayaa Markii u horraysay shidaal tijaabo ah ka soo saartay deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Ra’iisulwasaare Abiy Axmed oo arrintaas ka hadlayana wuxuu sheegay in maalinkaste la soo saari doono 450 foosto oo shidaal qaydhin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doolar.

“Marka ay shaqadu dhamaato ee aan ka dhoofino dekedda Djibouti waxaan qiyaasaynaa in aan sannadkii ka heli doono siddeed bilyan oo doolar” ayuu yidhi Abiy.

Caddaani oo waraysi gaar ah siiyay BBC ayaa la waydiiyay: haddii gobolku uu ka mid yahay Itoobiya kharashka lagu soo saarayna ay bixisay oo shirkad qandaraas ku siisay hantida Ethiopia oo dhan baa leh, marka soo kama haboona in aad dadka u ogolaataan nolol iyo hormarkooda?

“Anagu Ethiopia kama mid nihin, dhaqaalaheeda lama lihin, siyaasadda Itoobiya waxba kuma lihin, dad la haystaan nahay qoribaana lagu qabsaday walina waan diidanayn oo iska caabin baan wadnay waana sii wadi doonnaa, hantida shacbi Soomaaliyeed baa iska leh Ethiopiyanna ma laha” ayuu yidhi caddaani.

Ra’iisulwasaaraha cusub ee Ethiopia ayaa labadii bilood ee uu xilka hayay sameeyay isbadallo waawayn isaga oo cafiyay maxaabiistii siyaasadda, jacayl iyo wada jirna ugu baaqay dadka Itoobiya.

Wadamada dariska ah ayuu durba u safray oo heshiisyo la galay, wuxuuna si aan la filaynin gogol nabadeed ugu fidiyay Eritrea isaga oo ballanqaaday in uu ku wareejin doono dhulka ay ku muransan yihiin.

Halkan hoose Ka Daawo Ama ka dhagayso Waraysiga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker