Markab Shidaal Sida Oo Dab Ku Qabsaday Xeebaha Dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay

Markab shidaal ayaa dab Xoogani ku qabsaday Xeebaha gacanka Khaliijka gaar ahaan meel u dhow badda Imaaraadka Carabta, ilaa iyo hadanna Lama hayo macluumaad rasmi ah oo la Xidhiidha Shilkaan.

 

Sarkaal ka tirsan Xukuumada Dubai ayaa xaqiijiyay in markabka uu dabka ku qabsaday meel qiyaastii 40 kiilo mitir u jirta Dekada magaalada Sharjah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in waqtiga uu dabka qabsaday markabka ay aheyd abaara 4- galabnimo ee shalay oo arbaca ahayd, xilliga maxaliga.

 

 

Ciidanka badda ayaa caawiyay markabka waday shidaalka, sida warbaahinta dowlada u xaqiijiyay sargaal ka tirsan Imaaraadka.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamay in markabka lagu magacaabo MV Osprey waxaana ka babanayay calanka Norway.

 

 

Milatariga Mareykanka ee ku sugan Khaliijka ayaa sheegay in si dhow arintaan ay ula socdaan.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo xiisad dagaal oo u dhaxeysa Mareykanka Iiraan ay ka taagan tahay Gobolka.

Washington ayaa weeraro lagu qaaday maraakiib shidaal oo marayay gacanka Khaliijka ku eedeysay Dowlada Iiraan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker