Xukuumadda JSl oo Amar ka soo Saartay Dad Dul Degay Ceelal Biyood degmada Adhi Caddeeye ee gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland, ayaa amar ka soo saartay dad si sharci darro ah ku dul degay ceelasha biyaha degmada Adhi Caddeeye ee gobolka Sool.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo guddoomiyaha gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Gargaar ayaa bulshada ku hareeraysan ceelka biyaha ee degmadda Adhicadeeye faray in ay muddo 14 cisho ah ay kaga guuraan guud ahaan dhulka ceelka biyaha oo ah dhul dan guud ah oo ceelka biyuhu leeyahay oo ay mamnuuc tahay in la dego.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo la hadlayay dad deggan dhulka ceelka biyaha ee Adhi Caddyeeye,ayaa yidhi. “Anigu wasiir ahaan waxaan ku raacsanahay sidaasi gudoomiyuhu sheegay, waxaan iclaaminayaa qof allaale qofkii ka hor yimaada odayaashi deegaankuna way i maqlayaan, xoolihii ceelkani ka cabbayay ayaa la rabaa in ceelka laga xidho, taana ma yeeleyno waa Illaha dhaqaale ee bulshada Somaliland ku nooshahay xooluhu ama miyi hala joogo ama magaalo hala jooge, maadaama ceelkan waxaa ugu badan ee ka cabbaa ay xoola yihiin ma aqbaleyno in ceelkan xoolaha laga xidho, sidaa daraadeed ninkii ka hor yimaada waxaa la waafajinayaa tallaabo sharciga waafaqsan, 14-ka cisho ee leydin qabtay hadaad ku qaadan weydaan dhagaxa annaga ayaa qaadaneyna oo meel dawladeed ayaanu ku dhisaneynaa”

 

Cabdirashiid Xuseen Gargaar gudoomiyaha gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday inay soo saarayaan wareegto dadka lagaga mamnuucayo inay dhistaan dhulka ku xeeran ceelasha biyaha ee deegaanka Adhi Caddeeye waxaanu yidhi “Arrinta aanu u nimid waa mida ceelka biyaha, Adhi-cadeeye waa magaalo qurux badan oo meel qurux badan ku taalla, waxaana la raba inay sidaasi ku waarto oo quruxdaasi yeelato, maalinta sabtidda 29/9/2018 waxaa imanaya shaqaalihii wasaaradda isuduwihii iyo injineerkii ceelkaasi dhulka u banaan wixii hadda ka hor aad degteen mooyaane inta kale, calaamad la yaqaano oo wasaaraddu leedahay ayay dhigayaan waxaanay noo keenayaan waraaq caddeyn ah oo cabbiran taas ayaanan ku hawlgaleynaa, dadka dhagaxa dhigtay iyo cidad joogta iyo cidii dambe ee aanu ugu nimaadno iyaga iyo ciidamada dawladda ayaa is arkaya, maslaxadiina ilaashadda wixii meesha uu dhagax ka yaalana muddo kooban oo 14 cisho ah ha kaga qaateen, guryo badan ayaad ka dhisteen dhulkii ceelku lahaa duminmeyno imika”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker