C/raxmaan C/shakuur Oo Ku Eedeeymo Usoo Jeediyey Beesha caalamka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka tirsan Golaha Musharraxiinta madaxweynaha ayaa shir jaraa’id oo ay golahaas ku qabteen magaalada Muqdisho ka sheegay in beesha caalamka ay garab taagan tahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Annaga waxaan rabnaa inaan mudaharaadka iyo nabadda wax ku baddalno, cid kale oo aan isku halleyneyno ma jirto oo annaga aan ahayn. Beesha caalamka iskuma halleyneyno, waa nimanka u durbaan tumaaya Farmaajo oo xilligiisii dhammaaday, waxaad aragtayna sameeyay, cidda wali la shireysa oo mas’uuliyad iyo sharciyad inuu leeyahay kula macaamileysa waa beesha caalamka.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdisakuur.

Siyaasigan ka tirsan mucaaradka ayaa sidoo kale eedeyn dusha uga tuuray madaxweynaha.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker