Maraykanka oo digniin adag u diray Madaxweynaha cusub ee dowlada Iran

Washington ayaa ugu baaqday Madaxweynaha cusub ee Iran inuu dib ugu soo laabto wadahadallada dib looga soo nooleynayo heshiiskii taariikhiga ahaa ee Niyukilarka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ka digay inuu weligii sii furnaan doonin albaabka diblumaasiyadda.

Ibrahim Ra’isi oo xilka madaxweynanimada Khamiisti shalay ahayd loo dhaariyey ayaa sheegay inuu taageerayo ‘qorsha kasta oo diblumaasiyadeed’ oo soo afjarayo cunaqabateynka, “Cunaqabateyn kasta oo sharci darra ah uu Mareykanku qaranka Iran uu saaray waa in la qaadaa” ayuu yidhi.

Reer Galbeedka Iran waxay ku eedeeyaan iney isku dayeyso iney sameysato hubka Niyukilarka, inkasta oo ay Tehran eeddaasi diidday.

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa cirka isku sii shareertay wixi ka dambeeyey 2018-kii, kaddib marki uu madaxweyne Donald Trump uu ka baxay heshiiski Niyukilarka cunaqabateynkana uu dib u soo celiyey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker