Dowladda Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Doorashada Maamul Goboleedka Galmudug

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa ku baaqday Shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanaayo bulshada ku nool degaanada Maamulka Galmudug  si loo xaliyo Khilaafka Madaxda Galmudug,isla markaana la magacaabayo guddi farsamo oo daadihiya qabashada Shirkaas.

Marka laga soo tago Warsaxaafadeedka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa xusid mudan in uu weli jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda Dowladda federaalka,sidoo kalena uu khilaaf ka dhaxeeyo Madaxda Sare ee Galmudug.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker