Midowga Musharaxiinta Soomaalya Oo Banaanbax Weyn kaga Dhowaaqay Muqdisho
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa si adag u dhaleeceyay madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu lix maalmood si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia, maadama uu muddo xileedkiisu ka dhamaaday 8-dii Febraayo.




