Ganacsade Soomaali Ah Oo lagu Dilay Magaalada Port Elizabeth Ee Dalka Koonfur Afrika
Rag hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenkii xalay Magaalada Port Elizabeth ee dalkaas si arxan darro ah ugu dilay Muwaadiniin Soomaali ah oo goobo Ganacsi ku lahaa halkaas.
Muwaadiniinta la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdixakiin Jeelle iyo Mikaa’iil Bitoow, waxaana falkaas u geystay burcad hubeysan oo gudaha ugu galay goob ganacsi ah oo ay ku sugnaayeen, iyagoo u dhintay rasaas looga dhuftay jirka sare.
Dad Soomaali ah oo xiligii uu weerarka ka dhacayay ku sugnaa meel ku dhow goobta ayaa falka kadib tegay halkaas, isla markaana qaaday Meydadka Muwaadiniinta la dilay, iyadoona goobta ay ka baxsadeen burcadii hubeysneyd.
Shalay ayey markii Magaalada Port Elizabeth ee dalka koonfur Afrika dil iyo dhaawac loo geystay Muwaadiniin Soomaali ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cabdinaasir Jamaame iyo Maxamed Jamaame, kadib markii goobtooda ganacsi ah loogu galay.
Booliska Koonfur Afrika ayaa weli ka hadlin dilalka sida arxan darrada ah ee dalkaas loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaalida ah , sidoo kalena ma jirto cid iska xil saartay sidii dhibaayootinka dhacaya wax looga qaban lahaa.




