Soomaaliya Oo Laga Helay Qofkii Saddexaad Oo Qaba Cudurka Coronavirus

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qofkii saddexaad oo Muqdisho ku sugan laga helay cudurka Coronavirus, ee dunida ku faafaya.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo warbaahinta dowladda la hadashay, ayaa shaacisay in qofkaas uu yahay qof ajnabi ah oo la shaqeeyaa xafiiska QM ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM ee UNSOM ayaa lagu sheegay in qof u shaqeeyaa shirkad qandaraas kula jirta UNSOM laga helay COVID-19.

“Qanadaraaslahan ayaa waxa uu karantiil ku jiray muddo 8 maalmood ah ka hor inta aan laga xaqiijin cudurka, waxaana hadda wareysanaya shaqaale caafimaad, si loo daba-galo dadkii uu xiriirka la sameeyey,” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Soomaaliya ayaa shalay xaqiijisay in kiiskii labaad ee Coronavirus ah ee gudaha Soomaaliya laga helay qof ku sugan magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka ayaa shaacisay in qofka labaad ee laga helay xanuunka Coronavirus uu yahay qof Soomaali ah oo ka yimid dibedda, kaasi oo ka mid ah dad ay karantiileysay dowladda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker