Ugu Yaraan Lix Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Qasaaro Badan Geystay Oo Ka Dhacay Maraykanka
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dad kale oo badana waa ay ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay magaalada Fort Worth ee gobalka Taxes ee dalka Mareykanka.
Shilkan ayaa waxaa ku lug leh in ka badan boqol gaadhi kuwaas oo marayay wado weyn oo dhowr jiho isku dhaafta.
Gaadiidka oo isugu jiray xamuul iyo kuwo yar yar ayaa isdul barkaday oo isku dhacay iyadoo sababta lagu sheegay baraf surinka ka dhigay mid lagu sibqado.
Booliska iyo shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in qasaaraha uu kordhi karo maadaama uu wali gurmadku socdo.




