Koox Hubaysan Oo Nabadoon Caan ahaa Xalay ku dilay Degmada Afgeeye

Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidkii gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Nabadoon Caan ka ahaa, kana mid ahaa duqaydii Xildhibaanada kusoo doortay magaalada Baydhabo.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda 21-ka Octoober ee Degmada Afgooye, isla markaana waxaa Nabadoonka u geystay rag dhalinyaro oo watay Bastoolado, iyagoo dhowr rasaas uga dhuftay qeybaha Sare ee Jirkiisa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Allaha u naxariistee Ibraahim Maxamed Ibraahim,isagoona ahaa Nin Caan ka ah degmadaas.

Kooxihii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah ugu baxsatay, iyadoo ay dilka kadib goobta gaareen qaar kamid ah Ehelada Marxuumka iyo Ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Afgooye.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Xaafadda 21-ka Octoober ee Degmada Afgooye uu caawa ka socdo howlgalo kala duwan oo ay sameeynayan Ciidanka dowladda Federaalka.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dilkan nabadoonka caanka ahaa, iyadoo Al Shabaab horey looga bartay inay sheegtaan masuuliyada dilal kala duwan oo loo geestay Nabadoono iyo Ergooyin Xildhibaano kusoo doorteen gobolada dalka.

0d

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker