Ciidanka Booliiska Puntland Oo Gabadh Dhalinyaro Ah ku Doonaysay inay Is Gubto.
Ciidanka Booliiska Maamulka Puntland ee magaalada Garoowe ayaa shaaciyay in ay xalay ka hortageen dhacdo fuul-xun oo gabar dhalinyaro ah ku doonaysay in ay is gubto.
Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Booliiska Puntland, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Amniga Garoowe ka hortageen arrintan oo ka dhacday xaafad ka tirsan caasimadda Garoowe.
Qoraalka waxa lagu xusay, in gabadhu wadatay batrool iyo kabriid ay doonaysay in isku gubto, balse uu kabriidkii u bixi waayay, kadib markii uu qoyay.
Booliisku waxay sheegeen in gabadha loo qaaday isbitaalka guud ee Garoowe, si loo dabiibo xaaladeeda caafimaad, kadibna baadhitaan loogu sameeyo.
Sidoo kale, waxay tilmaameen in la aqoonsaday xubno ka tirsan Qoyska gabadha. islamarkaana lala socod-siiyay dhacdada.




