Golaha Ammaanka QM oo ka shiraya mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo taageerada ciidamada Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Talaado ah, 17-ka Nofeembar, kulan gaar ah ka yeelanaya howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo diiradda la saarayo mustaqbalka howlgalka, maalgelintiisa iyo taageerada saadka ee ciidamada Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay ayaa waxaa la filayaa inay warbixinno ka jeediyaan kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, Martin Kimani, iyo wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AUSSOM, El Hadji Ibrahima Diene. Sidoo kale, waxaa warbixin laga dhageysan doonaa guddiga cunaqabateynta Qaramada Midoobay ee Al-Shabaab.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira mustaqbalka howlgalka AUSSOM, gaar ahaan dhaqaale yaraanta iyo hubanti la’aanta ku saabsan taageerada saadka ee Qaramada Midoobay siiso ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Warbixin uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay soo saaray 28-kii Oktoobar ayaa lagu sheegay in xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) uu 25 boqolkiiba dhimay kharashaadkii miisaaniyaddiisa 2025/2026, oo markii hore ahaa 520.6 milyan oo doollar, halka miisaaniyadda sannad-maaliyadeedka 2026/2027 loo ansixiyay 481.4 milyan oo doollar.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in dhaqaale yari soo wajahday sanduuqa maaliyadeed ee UNSOS ay sababtay in muddo ku dhow saddex bilood ah, intii u dhaxaysay May iyo July, la hakiyo gaarsiinta shidaalka iyo raashinka ciidamada Soomaaliyeed ee ka barbar dagaallama howlgalka AUSSOM.

Taageeradaas ayaa dib u bilaabatay kaddib markii dowladda Britain ay bishii Agoosto ku deeqday hal milyan oo gini, oo u dhiganta ku dhowaad 1.4 milyan oo doollar. Hase yeeshee, Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dhaqaale yaraanta joogtada ahi ay halis gelin karto sii socoshada taageeradaas.

Dhinaca kale, dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka AUSSOM ayaa shir aan caadi ahayn oo ay bishii July ku yeesheen magaalada Kampala ee dalka Uganda ku baaqay in howlgalka loo sameeyo bixitaan qorsheysan oo marxalado kala duwan u dhaca, iyagoo codsaday in taageerada caalamiga ah la sii wado muddo 18 ilaa 24 bilood ah si ciidamada Soomaaliya loogu diyaariyo inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga.

Maraykanka ayaa markii hore ka horyimid muddadaas, isagoo sheegay in uu joojin doono taageerada uu siiyo UNSOS marka uu dhammaado muddada hadda loo idmaday howlgalka AUSSOM, oo ku eg 31-ka Diseembar 2026. Washington ayaa taa beddelkeeda soo jeedisay in xafiiska UNSOS la siiyo 12 bilood oo uu si tartiib ah ugu soo afjaro howlihiisa.

Hase yeeshee, sida uu qoray wargeyska Security Council Report, Maraykanka ayaa 15-kii bishaan Nofeembar la sheegay inuu beddelay mowqifkiisa, isla markaana uu taageeray in muddo hal sano ah loo kordhiyo waajibaadka labada howlgal ee AUSSOM iyo UNSOS.

Go’aankaas oo ay soo dhoweysay Soomaaliya ayaa noqonaya isbeddel ku yimid mowqifkii hore ee Washington, inkastoo ay weli ku adkeysanayso in taageeradaasi aysan noqon mid aan xad lahayn.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaadi doonaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, kaddib markii khilaafka dowladda federaalka iyo mucaaradka uu sii xoogaystay, gaar ahaan muranka la xiriira muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashooyinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker