Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Dalka Denmark Amb. Ole Thonke
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qaabilay safiirka dalka Denmark, Amb. Ole Thonke oo dalka ku yimid safar shaqo.
Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo taas oo ay soo jeediyeen inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland.




