Waxgaradka Buuhoodle oo Ka Hadlay Dil ka dhacay Degaanka Buuhoodle , Baaqna u Diray Waxgaradka Qorulugud

Culimada, Waxgarada iyo Isimada Dhaqanka ee Magaalada Buuhoodle ayaa baaq iyo tacsi u diray Ehellada iyo qaraabada Marxuum 20-kii bisha January lagu dilay deegaanka Dandan oo ka tirsan gobolkaasi, kaasoo ku baxay gacan ka xaq-darran, dilkiisana lagu xidhiidhiyey inay daba socotay aano qabiil.
Kulan ay maanta isugu yimaadeen Magaalada Buuhoodle Cuqaasha, waxgaradka iyo culimada magaaladaasi, ayaa waxa ay ehellada marxuumka dhintay u direen tacsi iyo baaq ah in  ay samir iyo dulqaad yeeshaan.
Geesta kale, waxa ay guud ahaan bulshada gobolka ee samo-taliska ah u soo jeediyeen in gacanta lagu dhigo xaalada nabad-gelyo ee deegaanka dilku ka dhacay, loona kaco sidii islaaxa iyo wanaag loogu dabaali lahaa.
Waxa kale oo ay dhinaca marxuumku ku baxay ugu baaqeen in ay u hogaansamaan wax kasta oo ay nabad-gelyadu ku xidhmayso oo dhankooda waajib ah, si aanay dhibaato dilkaasi ka badan u dhicin. “Nabad-gelyadu waxa y dan u tahay inta nool ee haloogu taliyo”ayey yidhaahdeen culimada kulanka ka hadlay.
“Khadar Faarax Ismaaciil wuxuu ahaa nin reer Buuhoodle ah, Buuhoodle ayaanu ku baxay, Buuhoodle iyo Qorulugud waa isku mid waxba ma kala laha”ayey baaqa nabadeed ku sheegeen Odayaasha iyo Culimada ka hadlay dilka marxuumka xoolo dhaqatada ah loogu geystay deegaanka Dandan, marxuumkaasoo kamid ahaa bulshada reer-guuraaga ah ee u hayaamay Bariga Buuhoodle, kana guuray Waqooyiga Buuhoodle nawaaxiga degmada Qorulugud.
“Dadka nabada ka shaqeeya waxaan ugu baaqaynaa in ay arrintaas gacanta ku dhigaan oo inta nool loo taliyo, oo aanay dhibtu halkaa dhaafin”ayey yidhaahdeen Culimada, cuqaasha iyo waxgaradka magaalada Buuhoodle oo uu hogaaminayeen Sheikhal-beledka Magaaladaasi Sh. Cumar Sh. Cismaan iyo hormuud kale.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker